Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Magaalada Gaalkacyo oo Bandow Lagu Soorogay
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:423
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 03 2008
Magaalada Gaalkacyo oo Bandow Lagu Soorogay
Written by Ali Moallim   
Thursday, 03 July 2008

Gaalkacyo,(insidesomalia.org)- Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa xiliga habeenkii waxaa ay bandaw kusoo rogeen Magaalada Gaalkacyo, ka dib markii ay bateen falal isugu jira dilal iyo dhac loo gaysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha Magaaladaas.

Dhamaan goobaha Ganacsiga ayaa xiliga habeenkii ah waxaa loo laabaa albaabada, iyadoo Maamulka Gobolka Mudugna uu arintani ku macneeyay in ay tahay mid amniga Magaaladaasi wax looga qabanayo, kaasi oo beryihii ugu dambeeyay faraha ka sii baxayay.

Maamulka Gobolka Mudug ayaa ka soo horjeestay in Gawaarida leh Muraayadaha madow lagu dhax wato dudaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana Maamulka uu ka dhawaajiyay in amniga wax laga qaban doono.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen falal isugu jira dil iyo dhac loo gaysanayo dadka rayidka ah ee ku dhaqan Gudaha Magaaladaasi, kuwaasi oo ka soo barakacay Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Bil gudaheed Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay 7 Qarax iyo dilal kala duwan, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobolka Mudug.

Dhinaca kale Madaxwayanaha Dawlad Goboleedka Puntland Cadde Muuse oo ku sugan Magaalada Gorowe ayaa sheegay in Maamulkiisa uu xoogga saari doono dhinaca ammaanka, si looga hor-tago waxyaabaha Khatar gelinkara amaanka Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

Bandowga lagu soo rogay Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay labo habeen jirsaday, iyadoo dhamaan loo diiday shacabka ku dhaqan Magaaladaasi in wixii 9-ka fiidnimo ka dambeeya aanan lagu arki karin cid lugaynaysa gudaha Magaalada.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >